Shahwo-Dabar: Ka Xorow Dhaqamada Jinsiga ah
Dhaqantoosin

Shahwo-Dabar: Ka Xorow Dhaqamada Jinsiga ah

Break Free from Sexual Behaviours
baddel caadooyinka xun xun, dhiso mustaqbal wanaagsan.

Waxaa loogu talagalay

Barnaamijkan waxaa loogu talagalay dhalinyarada iyo qofkasta ee la rafaadsan samaynta dhaqamo jinsiyeed, sida siigeysiga iyo daawashada muuqaal-galmeedka (pornography)  kuwaas oo doonaya inay joojiyaan kana soo kabtaan, isla markaasna dib danbe ugu noqon.

Muxuu ku baran doonaa?

  1. Fahamka dhaqamada jinsiga ah iyo sida ay caado u noqdaan
  2. barashada mowqifka diinteena iyo dhaqamada xun ee jinsiga ah.
  3. Aqoonsiga sababaha iyo waxyaabaha kiciya rabitaanka shahwada
  4. Fahamka saamaynta ay ku yeelan karaan qofka, qoys, waxbarasho iyo shaqada
  5. Xirfadaha is-xakamaynta iyo maaraynta rabitaanka jinsiga ah
  6. Sida loo beddelo caadooyinka xun, uguna badeli kartid kuwo fiican
  7. Maaraynta fikirrada, dareenka, kelinimada iyo walwalka.
  8. Xoojinta kalsoonida nafta, anshaxa iyo mas’uuliyadda qofeed
  9. Dhisidda nolol caafimaad qabta, ujeeddo leh oo waarta

Qaybaha Tababarka

  1. Fahamka dhaqamada jinsiga ah
  2. Sababaha iyo waxyaabaha kiciya
  3. Saamaynta iyo raadadka
  4. Is-xakamaynta nafta
  5. Maaraynta rabitaanka jinsiga
  6. Beddelidda caadooyinka xun xun
  7. Dhisidda caadooyin wanaagsan
  8. Qorshaha soo-kabashada nafeed
  9. Maaraynta dib-u-dhaca guurka
  10. Ka-hortagga dib-u-noqoshada dhaqamada xun
  11. Joogtaynta isbeddelka iyo kasoo kabashada

Muxuu ka faa’iidi doonaa?

Marka qofku barnaamijka dhammeeyo, wuxuu awoodi doonaa:

  1. Inuu fahmo sida caadooyinku u dhismaan
  2. Inuu aqoonsado waxyaabaha shakhsiga, caadifadeed, bulsho iyo deegaan ee kiciya
  3. Inuu fahmo saamaynta ay ku yeelan karaan caafimaadkiisa, xiriirradiisa iyo hawlahiisa.
  4. Inuu horumariyo xirfadda is-xakamayn nafta, iyo jijeynta dareenka
  5. Inuu ku beddelo caadooyinka aan caafimaadka lahayn kuwo wanaagsan
  6. Inuu maareeyo fikirada, dareennada, kelinimada iyo walbahaarka
  7. Inuu dejiyo qorshe soo-kabasho oo shakhsi ah
  8. Inuu si wax-dhis leh uga jawaabo dib-u-dhaca oo uu yareeyo halista dib-u-noqoshada
  9. Inuu xoojiyo kalsoonida nafta, anshaxa iyo mas’uuliyadda
  10. Inuu dhiso nolol caafimaad qabta oo ujeeddo leh

Macallinkaaga

YOUR INSTRUCTOR

Jamaludin Cabdikarim Awke

LIFE COACH & FAMILY THERAPIST

Jamaludin Cabdikarim Awke waa la-taliye qoys iyo tababare leh in ka badan 16 sano oo waayo-aragnimo ah horumarinta qoyska, la-talinta guurka iyo barbaarinta carruurta. Wuxuu tababarradiisa ku dhisaa qiyamka Islaamka, aqoonta cilmi-nafsiga iyo kiisas dhab ah oo uu la shaqeeyay qoysas Soomaaliyeed.

Maxay Macaamiishu Naga Yiraahdeen?

WHAT OUR CLIENTS SAY

Waxaan ka gudbay ismaandhaaf aniga iyo xaaskeyga naga haystay dhinaca isfahanka nolosha. Kadib markii aan qaadanay barnaamijka Qoyskeenna, waxaa isbeddelay fikirka aan ka qabay qoyska, maantana waxaan ku nool nahay nolol isfaham iyo farxad leh.

Abu Jama

Somalia

Waxaa iga burburay qoyskaygii anigoo hooyo ah. Waxaan fursad u helay inaan ka qayb galo barnaamijyada Qoyskeenna, maalintaas kadib noloshaydii way isbeddeshay. Maanta waxaan ahay qof ku nool farxad iyo raynrayn.

Umu Fadumo

Somalia

Su'aalaha Badanaa La Isweydiiyo

FREQUENTLY ASKED QUESTIONS

Tababarku waa duro la duubay oo aad ku daawan karto waqtiga kugu habboon. Ma jiro jadwal go’an, waxaadna dhammaystiri kartaa xawaaraha kuu fudud.

Casharradu waxay ku jiraan akoonkaaga waxbarasho ee Qoyskeenna Academy. Marka lacag-bixintaada la xaqiijiyo, waxaa laguu furayaa gelitaanka, xogtana waxaa lagugu soo diri doonaa e-mail.

Haa. Marka aad dhammaysato dhammaan qaybaha tababarka, waxaad heli doontaa shahaado dhammaystir oo Qoyskeenna Academy ka timid.

Waxaad ku bixin kartaa mobile money ama bank transfer. Faahfaahinta buuxda waxaa lagugu tusi doonaa marka aad dalabka samaynayso. Kadib waxaad noo soo dirtaa lambarka macaamilka, annaguna waan xaqiijinaynaa.

Maya. Gelitaanku waa nolosha oo dhan, marka waad dib u eegi kartaa casharrada mar kasta oo aad doonto.

Original price was: $75.Current price is: $50.

Marka lacag-bixintaada la xaqiijiyo, waxaa laguu furi doonaa gelitaanka tababarka.

Waxaad heli doontaa

Casharrada waxaad ka heli doontaa akoonkaaga waxbarasho ee Qoyskeenna Academy, kadib marka lacag-bixinta la xaqiijiyo.

Su’aal ma qabtaa? Nala soo xiriir

Tababarro la mid ah

RELATED COURSES
Soo-kabashada

Ka Soo Kabashada Furiinka

Bogsasho, dib-u-dhis iyo mustaqbal cusub.
Kasoo kabashada furiinka waa Tababar iyo Latalin wada jira, kaas oo loogu talogalay hablaha soo maray furiinka, si…

Original price was: $90.Current price is: $70.

Dhaqantoosin

Shahwo-Dabar: Ka Xorow Dhaqamada Jinsiga ah

baddel caadooyinka xun xun, dhiso mustaqbal wanaagsan.
Shahwo-Dabar waa barnaamij wacyi-dhis iyo soo-kabasho oo ka caawinaya qofka inuu fahmo oo joojiyo dhaqamada jinsiga ah ee dhibaatada ku noqday, uuna aqoonsado sababaha…

Original price was: $75.Current price is: $50.

Guurka

Xirfadaha Xiriirka Gogosha

Nolol guur iyo gogol wanaagsan oo ku dhisan isfaham iyo ixtiraam.
Xirfadaha Xiriirka Gogosha waa barnaamij waxbarasho oo loogu talagalay in lammaanaha lagu xoojiyo aqoonta iyo xirfadaha lagama maarmaanka u ah dhisidda xiriir gogoleed oo…

Original price was: $120.Current price is: $100.