Ka-qayb-galuhu wuxuu baran doonaa kaalinta xiriirka gogoshu ku leeyahay caafimaadka iyo xasilloonida guurka, baahiyaha iyo kala-duwanaanshaha lammaanaha, xoojinta isku-dhawaanshaha caadifadeed iyo jireed, sida si furan oo ixtiraam leh looga wada-hadli karo baahida, aqoonsiga arrimaha guud ee carqaladeeya xiriirka, iyo xirfadaha maaraynta kala-duwanaanshaha rabitaanka iyo filashooyinka.
Marka qofku tababarka dhammeeyo, wuxuu awoodi doonaa:
Jamaludin Cabdikarim Awke waa la-taliye qoys iyo tababare leh in ka badan 16 sano oo waayo-aragnimo ah horumarinta qoyska, la-talinta guurka iyo barbaarinta carruurta. Wuxuu tababarradiisa ku dhisaa qiyamka Islaamka, aqoonta cilmi-nafsiga iyo kiisas dhab ah oo uu la shaqeeyay qoysas Soomaaliyeed.
Waxaan ka gudbay ismaandhaaf aniga iyo xaaskeyga naga haystay dhinaca isfahanka nolosha. Kadib markii aan qaadanay barnaamijka Qoyskeenna, waxaa isbeddelay fikirka aan ka qabay qoyska, maantana waxaan ku nool nahay nolol isfaham iyo farxad leh.
Somalia
Waxaa iga burburay qoyskaygii anigoo hooyo ah. Waxaan fursad u helay inaan ka qayb galo barnaamijyada Qoyskeenna, maalintaas kadib noloshaydii way isbeddeshay. Maanta waxaan ahay qof ku nool farxad iyo raynrayn.
Somalia
Tababarku waa duro la duubay oo aad ku daawan karto waqtiga kugu habboon. Ma jiro jadwal go’an, waxaadna dhammaystiri kartaa xawaaraha kuu fudud.
Casharradu waxay ku jiraan akoonkaaga waxbarasho ee Qoyskeenna Academy. Marka lacag-bixintaada la xaqiijiyo, waxaa laguu furayaa gelitaanka, xogtana waxaa lagugu soo diri doonaa e-mail.
Haa. Marka aad dhammaysato dhammaan qaybaha tababarka, waxaad heli doontaa shahaado dhammaystir oo Qoyskeenna Academy ka timid.
Waxaad ku bixin kartaa mobile money ama bank transfer. Faahfaahinta buuxda waxaa lagugu tusi doonaa marka aad dalabka samaynayso. Kadib waxaad noo soo dirtaa lambarka macaamilka, annaguna waan xaqiijinaynaa.
Maya. Gelitaanku waa nolosha oo dhan, marka waad dib u eegi kartaa casharrada mar kasta oo aad doonto.
$120 Original price was: $120.$100Current price is: $100.
Marka lacag-bixintaada la xaqiijiyo, waxaa laguu furi doonaa gelitaanka tababarka.
Casharrada waxaad ka heli doontaa akoonkaaga waxbarasho ee Qoyskeenna Academy, kadib marka lacag-bixinta la xaqiijiyo.
Su’aal ma qabtaa? Nala soo xiriir
$75 Original price was: $75.$50Current price is: $50.
$120 Original price was: $120.$100Current price is: $100.