Ruqsadda Tababarka Hooyonimada | Qoyskeenna
Waalidnimada

Ruqsadda Tababarka Hooyonimada

Motherhood Training License
Awood u yeelo inaad koriso ubad isku kalsoon, oo mas’uul ah, oo faraxsan.

Xogta Barnaamijka

Waa tababar dhamaystiran oo ku siinaya aqoonta, xirfadaha iyo hababka wax-ku–oolka ah ee hooyonimada, laga bilaabo fahamka hooyonimada, iyo xirfadaha shakhsiyeed ee hooyonimada, iyo habka  korinta ilmaha, tarbiyadda wanaagsan iyo xiriirka hooyada iyo ilmaha, ilaa maaraynta dabeecadaha, mashaakilka ubadka  iyo caqabadaha kala duwan ee caruurta.

Yaa loogu talogalay?

  • Hooyooyinka doonaya inay horumariyaan aqoontooda, xirfadahooda hooyonimada.
  • hooyo kasta oo rabta inay ku guuleysato maareynta guriga iyo ubadkeeda.
  • hooyada doonaysa inay dhisto shakhsiyadeeda iyo xirfadaheeda nololeed.
  • hooyo kasta oo rabta inay jiirto caqabadaha nolosha iyo qoyska
  • hooyada rabta inay soo saarto ubad isku kalsoon oo isku tiirsan oo hogaamiye ah.

Maxaad ku baran doontaa?

Hooyada ka qeybgasha waxay baran doontaa macnaha hooyada saameynta leh, iyadoo fahmi doonto aqoonta caruurnimada iyo baahiyahdooda, waalidnimada wanaagsan, iyo sida loo xoojiyo xiriirka waalidka iyo ubadka, Hooyadaas waxay heli doontaa xirfado lama huraan u ah hooyada, kuwaas oo kala ah, sida ay nafteeda u horumarin karto, aqoon u kasban karto, u maareyn karto qoyskeeda, ugana tallaabsan karto caqabadaha nolosha.

Training Sections

  • Fahanka Hooyonimada
  • Karaamada Gabadha ee islaamka  
  • Xirfadaha hooyonimada 
  • Caqabadaha hooyonimada kadib 40 sano.
  • Fahanka caruurnimada iyo baahiyaheeda
  • Waalidnimada iyo barbaarinta ubadka
  • Xirfadaha dhaqantoosinta ubadka
  • Xirfadaha nololeed iyo hogaamineed
  • Xirfadaha xiriirka lammaanaha
  • Maareynta dhaqaalaha iyo qorshaha qoyska
  • Xallinta mashaakilka Qoyska

Maxaad ka faa’iidi doontaa?

Hooyada ka qeybgasha barnaamijkan, waxay awoodi doontaa:-

  • Inay fahanto doorka iyo masuuliyadda hooyonimada 
  • Inay fahanto baahiyaha Jireed, nafsi  iyo dareen ee ilmaha yar.
  • Inay dhaqangeliso waalidnimo wanaagsan iyo dhaqan toosin.
  • inay xoojiyo xirfadaha xiriirka ubadka iyo seygeeda la leedahay.
  • Inay kobciso wacyiqabida iyo fahanka dareenka caadifadeed.
  • Inay kobciso xirfadaha nolosha iyo kuwo Xiriirka  lammaanaha.
  • inay maareyso caqabadaha iyo mashaakilka waalidnimo iyo xaasnimo.
  • Inay dhisto kalsoonida iyo masuuliyadda iyo adkeysiga ilmaha yaryar.
  • inay dhisto xiriir waalid iyo xaasnimo oo caafimaad qaba.
  • inay dhisto deegaan qoys oo leh istaageerid deggan iyo iskaalmeysi.

Macallinkaaga

YOUR INSTRUCTOR

Jamaludin Cabdikarim Awke

LIFE COACH & FAMILY THERAPIST

Jamaludin Cabdikarim Awke waa la-taliye qoys iyo tababare leh in ka badan 16 sano oo waayo-aragnimo ah horumarinta qoyska, la-talinta guurka iyo barbaarinta carruurta. Wuxuu tababarradiisa ku dhisaa qiyamka Islaamka, aqoonta cilmi-nafsiga iyo kiisas dhab ah oo uu la shaqeeyay qoysas Soomaaliyeed.

Maxay Macaamiishu Naga Yiraahdeen?

WHAT OUR CLIENTS SAY

Waxaan ka gudbay ismaandhaaf aniga iyo xaaskeyga naga haystay dhinaca isfahanka nolosha. Kadib markii aan qaadanay barnaamijka Qoyskeenna, waxaa isbeddelay fikirka aan ka qabay qoyska, maantana waxaan ku nool nahay nolol isfaham iyo farxad leh.

Abu Jama

Somalia

Waxaa iga burburay qoyskaygii anigoo hooyo ah. Waxaan fursad u helay inaan ka qayb galo barnaamijyada Qoyskeenna, maalintaas kadib noloshaydii way isbeddeshay. Maanta waxaan ahay qof ku nool farxad iyo raynrayn.

Umu Fadumo

Somalia

Su'aalaha Badanaa La Isweydiiyo

FREQUENTLY ASKED QUESTIONS

Tababarku waa duro la duubay oo aad ku daawan karto waqtiga kugu habboon. Ma jiro jadwal go’an, waxaadna dhammaystiri kartaa xawaaraha kuu fudud.

Casharradu waxay ku jiraan akoonkaaga waxbarasho ee Qoyskeenna Academy. Marka lacag-bixintaada la xaqiijiyo, waxaa laguu furayaa gelitaanka, xogtana waxaa lagugu soo diri doonaa e-mail.

Haa. Marka aad dhammaysato dhammaan qaybaha tababarka, waxaad heli doontaa shahaado dhammaystir oo Qoyskeenna Academy ka timid.

Waxaad ku bixin kartaa mobile money ama bank transfer. Faahfaahinta buuxda waxaa lagugu tusi doonaa marka aad dalabka samaynayso. Kadib waxaad noo soo dirtaa lambarka macaamilka, annaguna waan xaqiijinaynaa.

Maya. Gelitaanku waa nolosha oo dhan, marka waad dib u eegi kartaa casharrada mar kasta oo aad doonto.

Original price was: $120.Current price is: $100.

Marka lacag-bixintaada la xaqiijiyo, waxaa laguu furi doonaa gelitaanka tababarka.

Waxaad heli doontaa

Casharrada waxaad ka heli doontaa akoonkaaga waxbarasho ee Qoyskeenna Academy, kadib marka lacag-bixinta la xaqiijiyo.

Su’aal ma qabtaa? Nala soo xiriir

Tababarro la mid ah

RELATED COURSES
Soo-kabashada

Ka Soo Kabashada Furiinka

Bogsasho, dib-u-dhis iyo mustaqbal cusub.
Kasoo kabashada furiinka waa Tababar iyo Latalin wada jira, kaas oo loogu talogalay hablaha soo maray furiinka, si…

Original price was: $90.Current price is: $70.

Dhaqantoosin

Shahwo-Dabar: Ka Xorow Dhaqamada Jinsiga ah

baddel caadooyinka xun xun, dhiso mustaqbal wanaagsan.
Shahwo-Dabar waa barnaamij wacyi-dhis iyo soo-kabasho oo ka caawinaya qofka inuu fahmo oo joojiyo dhaqamada jinsiga ah ee dhibaatada ku noqday, uuna aqoonsado sababaha…

Original price was: $75.Current price is: $50.

Guurka

Xirfadaha Xiriirka Gogosha

Nolol guur iyo gogol wanaagsan oo ku dhisan isfaham iyo ixtiraam.
Xirfadaha Xiriirka Gogosha waa barnaamij waxbarasho oo loogu talagalay in lammaanaha lagu xoojiyo aqoonta iyo xirfadaha lagama maarmaanka u ah dhisidda xiriir gogoleed oo…

Original price was: $120.Current price is: $100.