Ruqsadda Hogaaminta Qoyska | Qoyskeenna Academy
Qoyska

Ruqsadda Hogaaminta Qoyska

Family Leadership License
Aqoon, xirfad iyo haggaan. Qoys faraxsan, bulsho horumarsan.

Waxaa loogu talagalay

  • Lammaanaha xaaska ah ee doonaya inay xoojiyaan qoyskooda
  • Nimanka iyo haweenka raadinaya xirfado hoggaamineed iyo maamul qoys oo fiican
  • Dadka isu diyaarinaya guurka iyo masuuliyadaha qoyska
  • Waalidiinta doonaya inay hagaajiyaan habaynta qoyska iyo xiriirrada
  • Qof kasta oo xiiseynaya inuu horumariyo xirfado hoggaamineed oo qoys

Muxuu ku baran doonaa?

Barnaamijkan waxaa loogu talagalay lammaanaha xaaska ah, si ay u bartaan habka loo hoggaamiyo qoyska, loona dhiso xiriir qoys oo farxad leh, xirfadaha lama huraanka u ah qoyska, xallinta khilaafaadka, barbaarinta ubadka, maaraynta dhaqaalaha, qorsheynta nolosha qoyska, iyo habka looga gudbi karo caqabadaha nolosha qoyska.

Qaybaha Tababarka

  • Hoggaaminta qoyska
  • Dejinta aragti, qiyam iyo yoolal qoys oo wadajir ah
  • Doorarka iyo masuuliyadaha xubnaha qoyska
  • Xiriirka lammaanaha
  • Wada-xiriirka iyo isku-xidhnaanta caadifadeed
  • Go’aan-qaadashada qoyska
  • Maaraynta iyo xallinta khilaafaadka
  • Hoggaaminta barbaarinta iyo tarbiyadda carruurta
  • Qorshaynta iyo maaraynta dhaqaalaha qoyska
  • Maaraynta waqtiga, hawlaha iyo mudnaanta
  • Xallinta dhibaatooyinka iyo caqabadaha qoyska
  • Dhisidda qoys deggan, faraxsan oo waara

Muxuu ka faa’iidi doonaa?

Marka qofku tababarka dhammeeyo, wuxuu awoodi doonaa:

  • Inuu fahmo mabaadi’da hoggaaminta qoyska ee wax-ku-oolka ah
  • Inuu dejiyo aragti qoys, qiyam iyo yoolal wadajir ah oo cad
  • Inuu fahmo doorarka iyo masuuliyadaha guurka iyo qoyska
  • Inuu xoojiyo wada-xiriirka iyo isku-xidhnaanta caadifadeed
  • Inuu qaato go’aanno mas’uuliyad iyo iskaashi leh
  • Inuu si wax-dhis leh u maareeyo khilaafaadka
  • Inuu horumariyo xirfado barbaarin iyo hagitaan carruureed
  • Inuu hagaajiyo qorshaynta iyo maaraynta dhaqaalaha qoyska
  • Inuu maareeyo waqtiga, mudnaanta iyo masuuliyadaha qoyska
  • Inuu xoojiyo iskaashiga, ixtiraamka iyo isfahamka
  • Inuu xalliyo caqabadaha qoyska xikmad iyo xirfad ku dhisan
  • Inuu dhiso qoys xasilloon, taageero leh oo waara

Macallinkaaga

YOUR INSTRUCTOR

Jamaludin Cabdikarim Awke

LIFE COACH & FAMILY THERAPIST

Jamaludin Cabdikarim Awke waa la-taliye qoys iyo tababare leh in ka badan 16 sano oo waayo-aragnimo ah horumarinta qoyska, la-talinta guurka iyo barbaarinta carruurta. Wuxuu tababarradiisa ku dhisaa qiyamka Islaamka, aqoonta cilmi-nafsiga iyo kiisas dhab ah oo uu la shaqeeyay qoysas Soomaaliyeed.

Maxay Macaamiishu Naga Yiraahdeen?

WHAT OUR CLIENTS SAY

Waxaan ka gudbay ismaandhaaf aniga iyo xaaskeyga naga haystay dhinaca isfahanka nolosha. Kadib markii aan qaadanay barnaamijka Qoyskeenna, waxaa isbeddelay fikirka aan ka qabay qoyska, maantana waxaan ku nool nahay nolol isfaham iyo farxad leh.

Abu Jama

Somalia

Waxaa iga burburay qoyskaygii anigoo hooyo ah. Waxaan fursad u helay inaan ka qayb galo barnaamijyada Qoyskeenna, maalintaas kadib noloshaydii way isbeddeshay. Maanta waxaan ahay qof ku nool farxad iyo raynrayn.

Umu Fadumo

Somalia

Su'aalaha Badanaa La Isweydiiyo

FREQUENTLY ASKED QUESTIONS

Tababarku waa duro la duubay oo aad ku daawan karto waqtiga kugu habboon. Ma jiro jadwal go’an, waxaadna dhammaystiri kartaa xawaaraha kuu fudud.

Casharradu waxay ku jiraan akoonkaaga waxbarasho ee Qoyskeenna Academy. Marka lacag-bixintaada la xaqiijiyo, waxaa laguu furayaa gelitaanka, xogtana waxaa lagugu soo diri doonaa e-mail.

Haa. Marka aad dhammaysato dhammaan qaybaha tababarka, waxaad heli doontaa shahaado dhammaystir oo Qoyskeenna Academy ka timid.

Waxaad ku bixin kartaa mobile money ama bank transfer. Faahfaahinta buuxda waxaa lagugu tusi doonaa marka aad dalabka samaynayso. Kadib waxaad noo soo dirtaa lambarka macaamilka, annaguna waan xaqiijinaynaa.

Maya. Gelitaanku waa nolosha oo dhan, marka waad dib u eegi kartaa casharrada mar kasta oo aad doonto.

Original price was: $90.Current price is: $79.

Marka lacag-bixintaada la xaqiijiyo, waxaa laguu furi doonaa gelitaanka tababarka.

Waxaad heli doontaa

Casharrada waxaad ka heli doontaa akoonkaaga waxbarasho ee Qoyskeenna Academy, kadib marka lacag-bixinta la xaqiijiyo.

Su’aal ma qabtaa? Nala soo xiriir

Tababarro la mid ah

RELATED COURSES
Soo-kabashada

Ka Soo Kabashada Furiinka

Bogsasho, dib-u-dhis iyo mustaqbal cusub.
Kasoo kabashada furiinka waa Tababar iyo Latalin wada jira, kaas oo loogu talogalay hablaha soo maray furiinka, si…

Original price was: $90.Current price is: $70.

Dhaqantoosin

Shahwo-Dabar: Ka Xorow Dhaqamada Jinsiga ah

baddel caadooyinka xun xun, dhiso mustaqbal wanaagsan.
Shahwo-Dabar waa barnaamij wacyi-dhis iyo soo-kabasho oo ka caawinaya qofka inuu fahmo oo joojiyo dhaqamada jinsiga ah ee dhibaatada ku noqday, uuna aqoonsado sababaha…

Original price was: $75.Current price is: $50.

Guurka

Xirfadaha Xiriirka Gogosha

Nolol guur iyo gogol wanaagsan oo ku dhisan isfaham iyo ixtiraam.
Xirfadaha Xiriirka Gogosha waa barnaamij waxbarasho oo loogu talagalay in lammaanaha lagu xoojiyo aqoonta iyo xirfadaha lagama maarmaanka u ah dhisidda xiriir gogoleed oo…

Original price was: $120.Current price is: $100.