Noloshaada Qoys u Bilow Si Sax ah | Tababar Guur
Guurka

Noloshaada Qoys u Bilow Si Sax ah

Start Your Marriage Right
Dhis guurkaaga jacayl, isfaham iyo aasaas adag.

Waxaa loogu talagalay

Barnaamijkan waxaa loogu talagalay dhalinyarada isu diyaarinaysa guurka, lammaanaha cusub ee isku cusub, dadka ku jira wakhtiga arooska, iyo qof kasta oo doonaya inuu fahmo guurka ka hor inta uusan dhisin qoys.

Muxuu ku baran doonaa?

Qof kasta oo ka qayb gala wuxuu fahmi doonaa macnaha u diyaargarowga guurka, filashooyinka uu qoyska ka hayo, iyo kala duwanaanshaha lab iyo dheddig. Sidoo kale wuxuu baran doonaa xirfadaha lama huraanka u ah maareynta xiriirka, sida dhagaysiga, baahiyaha nafsiga iyo caadifadeed, iyo sida loo kobciyo jacaylka. Waxaa intaas dheer in qofku baran doono doorka qof walba leeyahay, sida loo maareeyo ismaandhaafka, iyo sida yoolasha, xuduudaha iyo xeerarka loo dejiyo.

Qaybaha Tababarka

  • U diyaargarowga guurka
  • Doorashada maangalka ah ee lammaanaha
  • Fahamka lammaanahaaga
  • Filashooyinka guurka
  • Wada-xiriirka iyo dhagaysiga
  • Doorka, masuuliyadaha iyo xuquuqda
  • Kobcinta jacaylka iyo isu-dhawaanshaha
  • Maaraynta ismaandhaafka
  • Miisaaniyadda iyo iskaashiga dhaqaalaha
  • Xiriirka qoyska ballaadhan
  • Dhisidda guur waara

Muxuu ka faa’iidi doonaa?

Marka qofku tababarka dhammeeyo, wuxuu awoodi doonaa:

  • Inuu fahmo aasaaska guurka guuleystay
  • Inuu qiimeeyo diyaargarowga nafeed
  • Inuu barto habka loo doorto lammaane ku haboon
  • Inuu dhiso filashooyin dhab ah oo ku saabsan nolosha guurka
  • Inuu fahmo kala duwanaanshaha shakhsiyadeed ee lammaanaha
  • Inuu xoojiyo xirfadaha wada-xiriirka, dhagaysiga iyo fahanka dareenka
  • Inuu fahmo xuquuqda, doorka iyo masuuliyadaha guurka
  • Inuu horumariyo xirfado xallin khilaaf oo wax-ku-ool ah
  • Inuu fahmo mudnaanta isu-dhawaanshaha caadifadeed iyo jireed
  • Inuu si hufan u maareeyo dhaqaalaha qoyska
  • Inuu dhiso xiriir caafimaad qaba oo uu la leeyahay qoyska ballaadhan
  • Inuu dejiyo yoolal, qiyam iyo aragti qoys oo wadajir ah
  • Inuu dhiso guur xooggan, caafimaad qaba oo waara

Macallinkaaga

YOUR INSTRUCTOR

Jamaludin Cabdikarim Awke

LIFE COACH & FAMILY THERAPIST

Jamaludin Cabdikarim Awke waa la-taliye qoys iyo tababare leh in ka badan 16 sano oo waayo-aragnimo ah horumarinta qoyska, la-talinta guurka iyo barbaarinta carruurta. Wuxuu tababarradiisa ku dhisaa qiyamka Islaamka, aqoonta cilmi-nafsiga iyo kiisas dhab ah oo uu la shaqeeyay qoysas Soomaaliyeed.

Maxay Macaamiishu Naga Yiraahdeen?

WHAT OUR CLIENTS SAY

Waxaan ka gudbay ismaandhaaf aniga iyo xaaskeyga naga haystay dhinaca isfahanka nolosha. Kadib markii aan qaadanay barnaamijka Qoyskeenna, waxaa isbeddelay fikirka aan ka qabay qoyska, maantana waxaan ku nool nahay nolol isfaham iyo farxad leh.

Abu Jama

Somalia

Waxaa iga burburay qoyskaygii anigoo hooyo ah. Waxaan fursad u helay inaan ka qayb galo barnaamijyada Qoyskeenna, maalintaas kadib noloshaydii way isbeddeshay. Maanta waxaan ahay qof ku nool farxad iyo raynrayn.

Umu Fadumo

Somalia

Su'aalaha Badanaa La Isweydiiyo

FREQUENTLY ASKED QUESTIONS

Tababarku waa duro la duubay oo aad ku daawan karto waqtiga kugu habboon. Ma jiro jadwal go’an, waxaadna dhammaystiri kartaa xawaaraha kuu fudud.

Casharradu waxay ku jiraan akoonkaaga waxbarasho ee Qoyskeenna Academy. Marka lacag-bixintaada la xaqiijiyo, waxaa laguu furayaa gelitaanka, xogtana waxaa lagugu soo diri doonaa e-mail.

Haa. Marka aad dhammaysato dhammaan qaybaha tababarka, waxaad heli doontaa shahaado dhammaystir oo Qoyskeenna Academy ka timid.

Waxaad ku bixin kartaa mobile money ama bank transfer. Faahfaahinta buuxda waxaa lagugu tusi doonaa marka aad dalabka samaynayso. Kadib waxaad noo soo dirtaa lambarka macaamilka, annaguna waan xaqiijinaynaa.

Maya. Gelitaanku waa nolosha oo dhan, marka waad dib u eegi kartaa casharrada mar kasta oo aad doonto.

Original price was: $90.Current price is: $70.

Marka lacag-bixintaada la xaqiijiyo, waxaa laguu furi doonaa gelitaanka tababarka.

Waxaad heli doontaa

Casharrada waxaad ka heli doontaa akoonkaaga waxbarasho ee Qoyskeenna Academy, kadib marka lacag-bixinta la xaqiijiyo.

Su’aal ma qabtaa? Nala soo xiriir

Tababarro la mid ah

RELATED COURSES
Soo-kabashada

Ka Soo Kabashada Furiinka

Bogsasho, dib-u-dhis iyo mustaqbal cusub.
Kasoo kabashada furiinka waa Tababar iyo Latalin wada jira, kaas oo loogu talogalay hablaha soo maray furiinka, si…

Original price was: $90.Current price is: $70.

Dhaqantoosin

Shahwo-Dabar: Ka Xorow Dhaqamada Jinsiga ah

baddel caadooyinka xun xun, dhiso mustaqbal wanaagsan.
Shahwo-Dabar waa barnaamij wacyi-dhis iyo soo-kabasho oo ka caawinaya qofka inuu fahmo oo joojiyo dhaqamada jinsiga ah ee dhibaatada ku noqday, uuna aqoonsado sababaha…

Original price was: $75.Current price is: $50.

Guurka

Xirfadaha Xiriirka Gogosha

Nolol guur iyo gogol wanaagsan oo ku dhisan isfaham iyo ixtiraam.
Xirfadaha Xiriirka Gogosha waa barnaamij waxbarasho oo loogu talagalay in lammaanaha lagu xoojiyo aqoonta iyo xirfadaha lagama maarmaanka u ah dhisidda xiriir gogoleed oo…

Original price was: $120.Current price is: $100.