Ka Soo Kabashada Furiinka | Qoyskeenna Academy
Soo-kabashada

Ka Soo Kabashada Furiinka

Divorce Recovery Program
Bogsasho, dib-u-dhis iyo mustaqbal cusub.

Xogta Barnaamijkan

Kasoo kabashada furiinka waa Tababar iyo Latalin wada jira, kaas oo loogu talogalay hablaha soo maray furiinka, si ay u fahmaan xaalada furiin ee ay marayaan, saameynta ka dhalata, iyo habka looga gudbi karo marxaladaan, una bilaabi karto nolol cusub.

Yaa loogu talogalay? 

Tababarkaan waxaa loogu talogalay hablaha furiinka soo maray, si ay u fahmaan xaaladaha dareen ee burburka qoyska, iyo inay barato habka soo kabashada iyo bilaabida nolol cusub.

Maxaad ku baran doontaa?

  1. Fahanka heerarka iyo saameynta furiinka iyo dareenka nafsiga ah ee ka dhasha.
  2. Maareynta Murugta iyo dareenka adag ee furiinka iyo niyadjabka.
  3. ka soo kabashada jugta dareen ee furiinka kadib.
  4. Dhismaha kalsoonida nafta iyo qadarinta iyo qiimaha nafeed.
  5. Inaad degsato xuduud caafimaad qabta oo idiin dhexeysa qofka kala tagteen.
  6. Habka ula dhaqmaysid qofka aad kala tagteen, markii duruuf jirto, sida ubadkiina.
  7. Maareynta xiriirka ubadka furiinka kadib.
  8. Dib u dhiska nololeed iyo shaqo iyo bulsheed furiin kadib.
  9. Dejinta qorshaha nolosha iyo jiheynta nolosha 
  10. fahanka casharada laga bartay guurkii hore, iyo khaladaadka kaa dhacay.
  11. U diyaargarowga mustaqbal ka fiican kii hore.
  12. diyaarinta iyo qorsheynta nolol guur oo farxad leh.

Qeybaha tababarada

  1. Fahanka furiinka  
  2. Maareynta Dareenka iyo aqbalida
  3. Dhismaha kalsoonida iyo qadarinta.
  4. Xuduudaha iyo xeerarka xiriirka kadib.
  5. Dib udhiska nolosha iyo qorsheynta 
  6. U diyaargarowga mustaqbalka.

Maxaad ka faa’iidi doontaa?

Marka qofka uu dhamaysto barnaamijkan, wuxuu awoodi doonaa:-

  1. Fahanka dareenkiisa iyo saameynta furiinka ku yeeshay.
  2. Maareynta murugta iyo dareenada xun ka dib furiinka.
  3. Kasoo kabashada xanuunka dareenka iyo xiriirka go’ay.
  4. Inuu dhisto kalsoonida nafeed iyo qadarinta nafta iyo shakhsiyaddiisa.
  5. Dhismaha xuduudo fiican furiinka kadib.
  6. barashada xirfadaha xiriirka iyo xiriirka qofkii la kala tagay, marka lama huraan tahay.
  7. Taageerida ubadka iyo maareynta waalidnimo la wadaago.
  8. Dib u habeynta shaqada, bulsheed, iyo dhaqaalaha naftiisa.
  9. Ka barashada casharo fiican guurkii hore, iyo ka faa’iidaysiga.
  10. Qorsheynta nolosha iyo dejinta jihada cusub ee nolosha.
  11. U diyaargarowga guurka cusub, iyo xulashada qof ku haboon.

Macallinkaaga

YOUR INSTRUCTOR

Jamaludin Cabdikarim Awke

LIFE COACH & FAMILY THERAPIST

Jamaludin Cabdikarim Awke waa la-taliye qoys iyo tababare leh in ka badan 16 sano oo waayo-aragnimo ah horumarinta qoyska, la-talinta guurka iyo barbaarinta carruurta. Wuxuu tababarradiisa ku dhisaa qiyamka Islaamka, aqoonta cilmi-nafsiga iyo kiisas dhab ah oo uu la shaqeeyay qoysas Soomaaliyeed.

Maxay Macaamiishu Naga Yiraahdeen?

WHAT OUR CLIENTS SAY

Waxaan ka gudbay ismaandhaaf aniga iyo xaaskeyga naga haystay dhinaca isfahanka nolosha. Kadib markii aan qaadanay barnaamijka Qoyskeenna, waxaa isbeddelay fikirka aan ka qabay qoyska, maantana waxaan ku nool nahay nolol isfaham iyo farxad leh.

Abu Jama

Somalia

Waxaa iga burburay qoyskaygii anigoo hooyo ah. Waxaan fursad u helay inaan ka qayb galo barnaamijyada Qoyskeenna, maalintaas kadib noloshaydii way isbeddeshay. Maanta waxaan ahay qof ku nool farxad iyo raynrayn.

Umu Fadumo

Somalia

Su'aalaha Badanaa La Isweydiiyo

FREQUENTLY ASKED QUESTIONS

Tababarku waa duro la duubay oo aad ku daawan karto waqtiga kugu habboon. Ma jiro jadwal go’an, waxaadna dhammaystiri kartaa xawaaraha kuu fudud.

Casharradu waxay ku jiraan akoonkaaga waxbarasho ee Qoyskeenna Academy. Marka lacag-bixintaada la xaqiijiyo, waxaa laguu furayaa gelitaanka, xogtana waxaa lagugu soo diri doonaa e-mail.

Haa. Marka aad dhammaysato dhammaan qaybaha tababarka, waxaad heli doontaa shahaado dhammaystir oo Qoyskeenna Academy ka timid.

Waxaad ku bixin kartaa mobile money ama bank transfer. Faahfaahinta buuxda waxaa lagugu tusi doonaa marka aad dalabka samaynayso. Kadib waxaad noo soo dirtaa lambarka macaamilka, annaguna waan xaqiijinaynaa.

Maya. Gelitaanku waa nolosha oo dhan, marka waad dib u eegi kartaa casharrada mar kasta oo aad doonto.

Original price was: $90.Current price is: $70.

Marka lacag-bixintaada la xaqiijiyo, waxaa laguu furi doonaa gelitaanka tababarka.

Waxaad heli doontaa

Casharrada waxaad ka heli doontaa akoonkaaga waxbarasho ee Qoyskeenna Academy, kadib marka lacag-bixinta la xaqiijiyo.

Su’aal ma qabtaa? Nala soo xiriir

Tababarro la mid ah

RELATED COURSES
Soo-kabashada

Ka Soo Kabashada Furiinka

Bogsasho, dib-u-dhis iyo mustaqbal cusub.
Kasoo kabashada furiinka waa Tababar iyo Latalin wada jira, kaas oo loogu talogalay hablaha soo maray furiinka, si…

Original price was: $90.Current price is: $70.

Dhaqantoosin

Shahwo-Dabar: Ka Xorow Dhaqamada Jinsiga ah

baddel caadooyinka xun xun, dhiso mustaqbal wanaagsan.
Shahwo-Dabar waa barnaamij wacyi-dhis iyo soo-kabasho oo ka caawinaya qofka inuu fahmo oo joojiyo dhaqamada jinsiga ah ee dhibaatada ku noqday, uuna aqoonsado sababaha…

Original price was: $75.Current price is: $50.

Guurka

Xirfadaha Xiriirka Gogosha

Nolol guur iyo gogol wanaagsan oo ku dhisan isfaham iyo ixtiraam.
Xirfadaha Xiriirka Gogosha waa barnaamij waxbarasho oo loogu talagalay in lammaanaha lagu xoojiyo aqoonta iyo xirfadaha lagama maarmaanka u ah dhisidda xiriir gogoleed oo…

Original price was: $120.Current price is: $100.