Waa tababar dhamaystiran oo ku siinaya aqoonta, xirfadaha iyo hababka wax-ku–oolka ah ee hooyonimada, laga bilaabo fahamka hooyonimada, iyo xirfadaha shakhsiyeed ee hooyonimada, iyo habka korinta ilmaha, tarbiyadda wanaagsan iyo xiriirka hooyada iyo ilmaha, ilaa maaraynta dabeecadaha, mashaakilka ubadka iyo caqabadaha kala duwan ee caruurta.
Hooyada ka qeybgasha waxay baran doontaa macnaha hooyada saameynta leh, iyadoo fahmi doonto aqoonta caruurnimada iyo baahiyahdooda, waalidnimada wanaagsan, iyo sida loo xoojiyo xiriirka waalidka iyo ubadka, Hooyadaas waxay heli doontaa xirfado lama huraan u ah hooyada, kuwaas oo kala ah, sida ay nafteeda u horumarin karto, aqoon u kasban karto, u maareyn karto qoyskeeda, ugana tallaabsan karto caqabadaha nolosha.
Hooyada ka qeybgasha barnaamijkan, waxay awoodi doontaa:-
Jamaludin Cabdikarim Awke waa la-taliye qoys iyo tababare leh in ka badan 16 sano oo waayo-aragnimo ah horumarinta qoyska, la-talinta guurka iyo barbaarinta carruurta. Wuxuu tababarradiisa ku dhisaa qiyamka Islaamka, aqoonta cilmi-nafsiga iyo kiisas dhab ah oo uu la shaqeeyay qoysas Soomaaliyeed.
Waxaan ka gudbay ismaandhaaf aniga iyo xaaskeyga naga haystay dhinaca isfahanka nolosha. Kadib markii aan qaadanay barnaamijka Qoyskeenna, waxaa isbeddelay fikirka aan ka qabay qoyska, maantana waxaan ku nool nahay nolol isfaham iyo farxad leh.
Somalia
Waxaa iga burburay qoyskaygii anigoo hooyo ah. Waxaan fursad u helay inaan ka qayb galo barnaamijyada Qoyskeenna, maalintaas kadib noloshaydii way isbeddeshay. Maanta waxaan ahay qof ku nool farxad iyo raynrayn.
Somalia
Tababarku waa duro la duubay oo aad ku daawan karto waqtiga kugu habboon. Ma jiro jadwal go’an, waxaadna dhammaystiri kartaa xawaaraha kuu fudud.
Casharradu waxay ku jiraan akoonkaaga waxbarasho ee Qoyskeenna Academy. Marka lacag-bixintaada la xaqiijiyo, waxaa laguu furayaa gelitaanka, xogtana waxaa lagugu soo diri doonaa e-mail.
Haa. Marka aad dhammaysato dhammaan qaybaha tababarka, waxaad heli doontaa shahaado dhammaystir oo Qoyskeenna Academy ka timid.
Waxaad ku bixin kartaa mobile money ama bank transfer. Faahfaahinta buuxda waxaa lagugu tusi doonaa marka aad dalabka samaynayso. Kadib waxaad noo soo dirtaa lambarka macaamilka, annaguna waan xaqiijinaynaa.
Maya. Gelitaanku waa nolosha oo dhan, marka waad dib u eegi kartaa casharrada mar kasta oo aad doonto.
$120 Original price was: $120.$100Current price is: $100.
Marka lacag-bixintaada la xaqiijiyo, waxaa laguu furi doonaa gelitaanka tababarka.
Casharrada waxaad ka heli doontaa akoonkaaga waxbarasho ee Qoyskeenna Academy, kadib marka lacag-bixinta la xaqiijiyo.
Su’aal ma qabtaa? Nala soo xiriir
$75 Original price was: $75.$50Current price is: $50.
$120 Original price was: $120.$100Current price is: $100.