Adeegyada La-talinta | Qoyskeenna Academy

Bogga Hore  /  La-talinta

Adeegyada La-talinta

Counselling Services

La-talin xirfadeed oo qarsoodi ah, ku dhisan qiyamka Islaamka iyo aqoonta cilmi-nafsiga.

Qarsoodi buuxa

Fully confidential

La-taliye xirfad leh

Professional counsellor

Online ama Toos

Online or in person

LA-TALINTA

La-talin aad ku kalsoonaan karto

Counselling you can trust

Qoyskeenna Academy waxay bixisaa la-talin xirfadeed oo qarsoodi ah loogu talagalay shakhsiyaadka, lamaanaha, waalidiinta iyo qoysaska. Fadhi kastaa waxaa lagu dhisay maqaam ixtiraam leh, dhegeysi qoto dheer, iyo talo wax-ku-ool ah oo la dabbaqi karo nolol maalmeedka.

Habkeenna wuxuu isku duba ridaa qiyamka Islaamka iyo aqoonta cilmi-nafsiga casriga ah. Ma haysanno talo la wada dhigo — mid walba waxaa lagu dhejiyaa xaaladda macmiilka, dhaqanka bulshadeenna, iyo yoolalka uu doonayo inuu gaaro.

ADEEGYADA

Adeegyadeenna

Our Services

La-talinta Qoyska

Family Counselling

Xasilinta xiriirka qoyska iyo xallinta khilaafaadka guriga. Waalid iyo carruur wada shaqeeya.

La-talinta Guurka ka Hor

Premarital Counselling

Diyaargarow cilmi iyo qiyam ku dhisan ka hor guurka. Filashooyin cad iyo xuduudo la fahmay.

La-talinta Waalidnimada

Parenting Counselling

Habab wax-ku-ool ah oo lagu barbaariyo carruurta. Edbin naxariis iyo adkeysi leh.

La-talinta Shakhsiga

Personal Coaching

Horumarinta nafta, kalsoonida iyo maaraynta walbahaarka. Yool cad iyo qorshe la raacayo.

La-talinta Badbaarinta Qoyska

Marriage Rescue Counseling

Badbaadinta qoyska xilliyada adag, hardanka iyo isfahan darada iyo soo dhexgelida ehelka

La-talinta Ka-soo-kabashada Furiinka

Divorce Recovery Counselling

Bogsiinta murugada iyo dib-u-dhiska naftaada. Bilow cusub oo xasilloon.

La-talinta Xiriirka Gogosha

Marital Intimacy Counselling

Wada-hadal xushmad leh oo ku saabsan xiriirka gogosha, iyo caawinka dhibaatooyinka jinsiga ah.

FADHIGA

Xogta Fadhiga

Session Details

Muddada

Duration

60 daqiiqo

Qiimaha

Price

$40 saacaddii

Maalmaha

Days

Sabti ilaa Khamiis

Saacadaha

Hours

09:00 – 17:00 EAT

HABKA

Sidee u Shaqeeyaa Fadhiga

How a session works

1

Qabso ballan

Book your appointment

2

Samee lacag-bixinta

Make the transfer

3

Hel xaqiijin

Receive confirmation

4

Ka qayb gal fadhiga

Attend your session

Qarsoodi iyo Ixtiraam

Confidentiality and Respect

Qoyskeenna Academy waxay muhiimad weyn siisaa qarsoodiga, aaminaadda iyo karaamada macmiilka. Xogta la-talinta waxaa loola dhaqmaa si xirfad iyo masuuliyad leh.

BALLANTA

Qabso Ballantaada

Book Your Appointment

Dooro taariikhda iyo waqtiga

Choose your date and time

Fadhiyadu waxay ka dhacaan Sabti ilaa Khamiis, 09:00 ilaa 17:00 EAT. Fadhi kastaa waa 60 daqiiqo, qiimahiisuna waa $40 saacaddii.

Xaqiiji ballantaada WhatsApp

Confirm via WhatsApp

Noo soo dir magacaaga, taariikhda aad doonayso iyo nooca la-talinta adigoo isticmaalaya WhatsApp-ka hoos ku qoran. Waxaan kula soo xiriiri doonnaa si aan u xaqiijino ballantaada.

E-mail: weydiilataliyaha@gmail.com

SHURUUDAHA

Shuruudaha Ballanta

Booking Policy

Ballanta waa in la qabsado ugu yaraan 24 saacadood ka hor.

Ballanta waxaa la beddeli karaa ama la joojin karaa ugu yaraan 12 saacadood ka hor.

Fadhiyada waxaa laga qaadan karaa 24 saacadood ilaa 30 maalmood horay.

Macmiilku waa inuu ka soo galo meel deggan oo uu si furan u hadli karo.

Fiiro gaar ah: ballamaha la-talinta looma talagalin xaalado degdeg ah oo u baahan daryeel caafimaad degdeg ah. Haddii ay jirto khatar deg-deg ah, la xiriir adeegyada caafimaadka ee kuugu dhow.

SU’AALAHA

Su'aalo Badanaa La Weydiiyo

Frequently asked questions

Haa. Wixii aad la wadaagto la-taliyaha waa qarsoodi. Xogta waxaa loola dhaqmaa si xirfad iyo masuuliyad leh, lamana wadaagayo cid kale iyada oo aan ogolaansho bixin, ama marka aad u baahan tahay dhakhtar inuu laguu wareejiyo xaaladaha adag.

Labadaba waa suurtogal. Waxaad ku dooran kartaa fadhiga online (video ama audio) ama toos xarumaheena, adigoo la xiriirayo xarunta kuugu dhow.

Waxay ku xiran tahay xaaladdaada. Qaar baa ku filan hal ama laba fadhi, halka arrimo ka adag u baahan karaan 4 ilaa 6 fadhi oo isku xigta.