Ku Saabsan Qoyskeenna Academy | Yaan Nahay

Bogga Hore  /  Ku Saabsan

Ku Saabsan Qoyskeenna Academy

About Qoyskeenna Academy

Awood-siinta qoysaska. Xoojinta bulshada. Mustaqbal ifaya.

Empowering families. Strengthening communities. Inspiring a brighter future.

Yaan Nahay

Yaan Nahay

Who We Are

Qoyskeenna Academy waa xarun xirfadeed oo u taagan horumarinta qofka iyo qoyska, iyadoo bixisa tababarro, la-talin, waxbarasho iyo wacyigelin bulsho. Qoyskeenna waxay ka shaqaysaa habka dhisidda guur caafimaad qaba, xoojinta xiriirka lammaanaha, horumarinta xirfadaha waalidnimada, maaraynta dhibaatooyinka qoyska iyo kobcinta nolosha qofka.

Habkayagu wuxuu isku daraa qiyamka iyo mabaadi’da Islaamka, aqoonta cilmi-nafsiga, cilmiga qoyska iyo waayo-aragnimada wax-ku-oolka ah. Waxaan aaminsanahay in aqoonta, xirfadaha, isfahamka iyo taageerada saxda ahi ay awood u leeyihiin inay qofka horumariyaan, xiriirrada xoojiyaan, qoysaskana ka caawiyaan inay noqdaan kuwo faraxsan, caafimaad qaba oo waara.

Aragti iyo Himilo

Aragti iyo Himilo

Vision and Mission

Aragti

Vision

In Qoyskeenna Academy noqoto xarun hormuud u ah horumarinta qoyska, iyadoo loo marayo tababar xirfadeed, la-talin tayo leh iyo wacyigelin bulsho oo gacan ka geysata dhisidda qoysas faraxsan, caafimaad qaba oo waara.

Himilo

Mission

Inaan bixino adeegyo la-talin, tababar iyo wacyigelin tayo leh oo ku dhisan qiyamka Islaamka, aqoonta cilmi-nafsiga iyo waayo-aragnimada wax-ku-oolka ah, si loo xoojiyo qofka, lammaanaha, waalidka iyo qoyska.

Qiyamka

Qiyamkeenna Aasaasiga ah

Our Core Values

Daacadnimo iyo Hufnaan

Integrity and Honesty

Xirfad iyo Tayo

Professionalism and Excellence

Qarsoodi iyo Aaminaad

Confidentiality and Trust

Ixtiraam iyo Karaamo

Respect and Dignity

Qiyamka Islaamka

Islamic Values

Yoolasha

Yoolasheenna

Our Goals

1

Xoojinta xiriir qoys caafimaad qaba oo xasilloon, si ay u soo saaraan ubad dhisan.

2

Bixinta adeeg la-talin xirfadaysan oo la gaadhsiinayo qof walba oo u baahan.

3

Horumarinta qoysaska iyo xirfadaha nololeed ee xubnaha qoyska.

4

Bixinta tababaro tayo leh oo ku qotoma aqoonta nafsiga iyo diinta.

5

Xoojinta xirfadaha waalidnimo ee saameynta ubadka iyo dhallinta.

6

Kor u qaadida wacyiga bulsheed ee arrimaha qoyska iyo xiriirka lammaanaha.

7

Yareynta iyo ka hortagida dhibaatooyinka qoyska iyo furiinka.

Habkeenna

Habkeenna

The Approach

Qiyamka Islaamka

Islamic values as the foundation for every service and lesson

Aqoonta cilmi-nafsiga

Psychological knowledge applied with care and responsibility

Waayo-aragnimo wax-ku-ool ah

Practical experience from real families and communities

Jamaludin Cabdikarim Awke

Life Coach & Family Therapist

Jamaludin Cabdikarim Awke waa Life Coach iyo Family Therapist leh 16 sano oo waayo-aragnimo ah ku dhex jirta horumarinta qoyska, la-talinta iyo wacyigelinta bulshada. Waxa uu ka shaqeeyaa sida loo dhisayo qoysas faraxsan, xiriir cad iyo nolol xasilloon oo waara.

Bilow Horumarkaaga Maanta

Start Your Development Today

Tallaabo yar maanta ayaa beddeli karta noloshaada iyo qoyskaaga berri.